caasimada.net
Actions
Media Outlet details
| Scope | N/A |
|---|---|
| Language | English, Somali |
| Country | Somalia |
|
Similarweb UVM |
Request pricing |
|
Comscore UVM |
Request pricing |
Recent Articles
Search ArticlesSoomaaliya oo Israel ugu hanjabtay xirista marin biyood muhiim ah haddii ay joojin weydo…
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa ayaa ka digay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay keeni karto cawaaqib culus.
Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay shirka heerka sare ee Turkiga? + Sawirro
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga, taas oo ay isugu yimaadeen madax dowladeed, diblomaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socda caalamka.
Xasan, Geelle iyo Abiy ma waxay wadaan qorshe dhul-beddelasho oo ballaaran?
Wararka la isla dhexmarayo ayaa tilmaamaya in kulan dhowaan ka dhacay dalka Jabuuti oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada-hadleen soo jeedin ku saabsan bixitaan weyn iyo dib-u-habayn xuduudeed oo ka dhaca Geeska Afrika, kaas oo ku lug yeeshaan saddexda dal.
Safiirka Israa’iil u magacowday Somaliland oo wajahaya diidmo adag – Maxaa cusub?
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka ay Israa’iil sheegtay inay u magacowday Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad ugu tilmaamtay tallaabo kale oo xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda, halka haatan ay dalal kale muujiyeen diidmadooda.
Iiraan oo ku dhawaaqday inay furtay marinka Hormuz kadib markii…
Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqday in Gacanka Hormuz uu si buuxda ugu furan yahay isu-socodka maraakiibta ganacsiga inta lagu guda jiro xabbad-joojinta u dhaxaysa dalalka Israa’iil iyo Lubnaan.
DF iyo maamullada oo si rasmi ah u ansixiyay istiraatiijiyada afarta sano ee soo socota ee…
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay Istiraatiijiyadda Qaran ee la-dagaallanka musuq-maasuqa ee 2026–2030 kaddib kulan heer sare ah oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.
Maraakiib IRAN ka baxay oo jiiray xanibaadda Mareykanka – Xog cusub
Tehran (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar markab oo xamuul ah ayaa la xaqiijiyay inay ka gudbeen xanibaad uu Mareykanku ku soo rogay dhaqdhaqaaqa badda ee Iiraan, kaddib markii ay ka ambabaxeen dekedaha dalkaas, sida ay muujinayaan xogaha laga helayo ilaha la socodka maraakiibta.
Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka Mareykanka? + Sawirro
Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Ajay Banga, intii uu socday shirka xilliga gu’ga ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo ka qabsoomaya magaalada Washington DC.
Musharax Liibaan oo war kasoo saaray doorashada Galmudug ee lagu dhawaaqay
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa soo dhaweeyay jadwalka doorasho ee shalay uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka. Guddiga ayaa ku dhawaaqay in 13-ka bisha May ay tahay maalinta loo qorsheeyay in deegaannada maamulka Galmudug ay ka dhacdo doorasho isku sidkan oo qof iyo cod ah, taas oo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamul-goboleedka.
Sababta ka baxsan Shabaab ee Shiinaha u hubeynayo Dowladda Soomaaliya
Muqdisho (Caasimada Online) — Ballanqaadkii dhowaa ee dowladda Shiinaha ay ku sheegtay inay kordhinayso taageerada milateri ee ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka turjumaya istaraatiijiyad juquraafi-siyaasadeed oo ballaaran, taas oo ka baxsan uu la-dagaallanka argagixisada. Tallaabadan ayaa si weyn ugu xiran diidmada xukuumadda Beijing ee xiriirka u dhexeeya maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland iyo Taiwan, sida lagu sheegay maqaal cusub oo uu qoray cilmi-baare Brendon J. Cannon.